Halyey kooxda Liverpool ah oo ku dhaleeceeyay Chelsea sababa la xiriira Kai Havertz

(London) 02 Jan 2023. Halyeyga kooxda Liverpool Graeme Souness ayaa dhaleecayn kulul u jeediyay maamulka Chelsea, kaddib markii ay barbardhac la galeen naadiga Nottingham Forest.

Nottingham Forest ayaa taako u dhigtay kooxda Chelsea oo marti ugu ahayd garoonka City Ground, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Ciyaarta kaddib Graeme Souness ayaa muujiyay fikirkiisa ah in Kai Havertz uusan ahayn dookh ku haboon weerarka hore ee kooxda Chelsea, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay inay sameeyaan saxiixa weeraryahan cusub.

Graeme Souness ayaa wareysi uu ku bixiyay Daily Mail, wuxuu ku sheegay: “Havertz ma dhalin goolal ku filan.”

“Waa waali in la iibiyo Timo Werner iyo Lukaku kaddibna 170 milyan ginni lagu qarash gareeyo saxiixyada saddex daafac.”

“Dabcan waa inaad ka fikirtaa, kubadda cagta waligeed ismay bedelin.”

“Muhiimadayda waa inaan haysato laba weeraryahan oo bahalo ah.”

Si kastaba ha noqotee, Kooxda Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League, waxana ay leedahay 25 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close