Nottingham Forest oo taako u dhigtay kooxda Chelsea oo marti ugu ahayd garoonka City Ground

(Nottingham) 01 Jan 2023. Nottingham Forest ayaa taako u dhigtay kooxda Chelsea oo marti ugu ahayd garoonka City Ground, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 16-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer England ee Raheem Sterling.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

63 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda martida loo ahaa ee Nottingham Forest ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay laacibkooda Serge Aurier, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Willy Boly.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Nottingham Forest iyo Chelsea, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka City Ground.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close