Muxuu ka yiri Arteta kaddib guushii ay Arsenal ka gaartay Brighton?

(London) 01 Jan 2023. Tababaraha reer Spain ee Mikel Arteta ayaa sheegay in guushii ay Arsenal ka gaartay kooxda Brighton & Hove Albion ay muujisay rabitaan weyn oo ay Gunners u qabto hanashada horyaalka oo ka maqan khasnadda naadiga ilaa 2004tii.

Arsenal ayaa sii dhedreysatay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay kaga adkaatay Brighton & Hove Albion 2-4, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Ciyaarta kaddib ayuu Mikel Arteta ka hadlay dareenkiisa kaddib guusha ay kooxdiisa gaartay wuxuuna yiri:

“Guul weyn oo aan ka gaarnay koox aad u wanaagsan, waxaan ku helnay waqtiyo fiican kulanka.”

“Waxaan guuleysanay kulankii labaad oo xiriir ah kaddib Koobka Adduunka, waxaana ka shaqeyn doonaa inaan sii wadno guusha.”

“Waxaan u maleynayaa inaan heysano rabitaan nagu filan oo ah inaan ku guuleysano horyaalka, waan ognahay inay harsan yihiin natiijooyin kale, laakiin waxaan ognahay in guusheena ay ku xirnaan doonto waxa aan sameyno kaliya kulamadeena, tani waa waxa aan dooneyno inaan sii wadno.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close