Man United oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Woves oo ay ku booqatay garoonka Molineux

(Wolverhampton) 31 Dis 2022. Manchester United ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Woves oo ay ku booqatay garoonka Molineux, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Wolverhampton iyo Manchester United ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Rashford, kaddib markii uu ka caawiyay Bruno Fernandes.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Manchester United, kooxda Wolverhampton oo ay booqatay garoonka Molineux, United ayaa kaddib guushan waxay si ku meel gaar ah u soo gashay booska 4-aad ee miiska kala sarreynta horyaalka waxayna leedahay 32 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close