Kooxaha Man City iyo Everton oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Etihad

(Manchester) 31 Dis 2022. Kooxaha Manchester City iyo Everton ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Etihad, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 24-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay weeraryahankooda Haaland, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mahrez.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin 64 daqiiqo marka ay dheesha mareysay naadiga Everton ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Demarai Gray oo caawin ka helay Idrissa Gueye.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kalabaxeen labada kooxood Manchester City iyo Everton, Sky Blues oo kaalinta labaad kaga jirta miiska kala sarreynta horyaalka ayaa waxay leedahay 36 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close