Espanyol oo taako u dhigtay Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou

(Barcelona) 31 Dis 2022. Espanyol ayaa taako u dhigtay Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 7-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Marcos Alonso, waxaana ka caawiyay Christensen.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

73 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Espanyol ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay weeraryahankooda Joselu ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Ugu dambeyntii ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Barcelona iyo Espanyol, kaddib barbardhacan Barca ayaa wali farqi goolal ah kaga hoggaamineysa Real Madrid miiska kala sarreynta horyaalka La Liga dalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close