Arsenal oo sii dhedreysatay hoggaanka Premier League kaddib markii ay ka adkaatay Brighton

(Brighton) 31 Dis 2022. Arsenal ayaa sii dhedreysatay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay kaga adkaatay Brighton & Hove Albion 2-4, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda reer London ee Arsenal.

Daqiiqadii 2-aad ee bilowgii ciyaarta Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Bukayo Saka.

39 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Martin Ødegaard ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda reer London ee Gunners.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad Arsenal ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 0-3 ka dhigay Eddie Nketiah.

Laakiin 65 daqiiqo markii ay dheesha mareysay kooxda Brighton & Hove Albion ayaa soo soo celisay gool, waxaana 1-3 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Kaoru Mitoma oo caawin ka helay saaxiibkiis Gross.

71 daqiiqo marka a dheesha mareysay Martinelli oo caawin ka helay saaxiibkiis Odegaard ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 1-4 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Markale daqiiqadii 77-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa dhalisay gool waxaana 2-4 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Evan Ferguson.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-4 ay kaga soo adkaatay Arsenal, kooxda Brighton & Hove Albion oo ay booqatay, Gunners ayaa kaddib guushan waxay dheereystay hoggaaminta horyaalka waxayna leedahay 43 dhibcood, waxayna 7 dhibcood nadiifka ka sarreysaa kooxda kaalinta labaad ee Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close