Sidee ayuu Guardiola uga hadlay guushii Manchester City ay ka gaartay Leeds?

(Manchester) 29 Dis 2022. Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisa ka gaartay naadiga Leeds United.

Manchester City ayaa ka soo heshay saddexda dhibcood kooxda Leeds United oo ay ku booqatay garoonka Elland Road, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League.

Ciyaarta kaddib ayuu u sheegay Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola warbaahinta:

“Runtii kulan fiican ayaan kula ciyaarnay kooxdaan gurigooda, waxaana soo bandhignay qaab ciyaareed heer sare ah gaar ahaan qeybtii labaad.”

“Koobka Adduunka kaddib, qofna ma garanaynin sida aan u falcelinayno, sida ay Leeds United baryahan dambe u ciyaareysay, manta kubadda ayaa dhankeena ahayd, waan ka fiicneyn kooxda naga soo horjeeday.”

Intaas kaddib Pep Guardiola ayaa ku ammaanay Haaland inuu si joogta ah u sii wado goolashiisa, wuxuuna yiri:

“Wuxuu dhaliyay goolal badan, laakiin wax badan ayuu dhalin karaa, wax badan ayuu na caawiyaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close