Muxuu ka yiri Klopp kaddib markii ay Liverpool la saxiixatay Cody Gakpo?

(Liverpool) 29 Dis 2022. Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay heshiiska ay kooxda la gashay xiddiga reer Holland ee Cody Gakpo, wuxuuna xusay in awooda ciyaartoygu ay tahay mid aad u wayn.

Fiidnimadii xalay ee Arbacada, Liverpool ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Cody Gakpo, oo 23 jir ah, kana tirsanaa kooxda reer Holland ee PSV.

Magaca Cody Gakpo ayaa lala xiriiriyay u dhaqaaqista Manchester United xagaaga soo socda, waxaana arrinta dib loo cusbooneysiiyay suuqa jilaalka, kaddib markii uu si heer sare ah kaga soo muuqday xulka qaranka Netherlands koobkii adduunka 2022 ee lagu soo gabagabeeyay dalka Qatar.

Qof kasta ayaa filayey in Manchester United ay la soo saxiixan doonto Cody Gakpo, iyadoo la eegayo rabitaanka kooxda ee ah inay la soo wareegto weeraryahan cusub kaddib markii uu ka tagay weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaasoo qandaraaskiisa soo afjaray.

Laakiin wax walba ayaa isbadalay kaddib markii Liverpool oo ah kooxda ay xifaaltamaan Red Devils ay si xoog ah ku soo gashay heshiiska, isla markaana si rasmi ah u dhameystirtay.

Haddaba Fabrizio Romano ayaa boggiisa Twitter-ka, wuxuu ku soo qoray, waxa uu ka yiri Jurgen Klopp kaddib markii ay Liverpool la saxiixatay Gakpo, wuxuuna yiri:

“Gakpo, waa ciyaaryahan weyn iyo sidoo kale qof caqli badan.”

“Waxaan ku guuleysanay inaan la soo wareegno ciyaaryahan aan muddo naqaannay, kaasoo aan aaminsanahay inuu nagula jiri doono mustaqbal wanaagsan. I aamin, wuxuu leeyahay karti aad u weyn.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close