Ronaldo oo diray farriin xamaasad leh kahor kulanka Portugal iyo Switzerland

(Doha) 06 Dis 2022. Weeraryahanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa fariin xamaasad leh u diray taageerayaasha iyo ciyaartoyda ka hor kulanka ay caawa la ciyaarayaan Switzerland.

Xulka qaranka Portugal ee uu hoggaaminayo Cristiano Ronaldo ayaa caawa Imtixaan adag ku maraya koobka adduunka wareega 16-ka, kaddib marka ay wajahaan dhigooda Switzerland.

Ronaldo ayaa ku nool waqtiyo aad u adag, waxaana ugu wacan hoos u dhac weyn oo ku yimid heerkiisa koobka aduunka ee Qatar 2022, iyo dhaleeceyn uu kala kulmay taageerayaasha Portugal, kuwaas oo ku baaqaya in laga saaro line-upka, Sida laga soo xigtay ra’yi ururin uu sameeyay wargeyska Apollo.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale dhaliyay muran baahsan kulankii ugu dambeeyay ee South Korea ka dib markii uu muujiyay cadhadiisa waqtigaas oo lagu bedelay daqiiqadii 62-aad.

Inkasta oo uu tababare Fernando Santos si cad u sheegay in Cristiano Ronaldo uu ka xanaaqay mid ka mid ah ciyaartoydii ka soo horjeeday, balse aanu ka xanaaqin go’aankii lagu badelay.

Ronaldo ayaa iska indho tiray wax walba oo dhawaan laga sheegay, wuxuuna diirada saaray riyada Portugal ee koobka aduunka 2022, gaar ahaan kulanka caawa ay la ciyaarayaan Switzerland, kaasoo aan haba yaraatee fududeyn.

Ronaldo ayaa ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee Instagram-ka fariin xamaasad leh, wuxuuna yiri:

“Maanta waxay u taagan tahay Portugal, danta Portuguese-ka, waa dhammaan riyada uu maanta mid kasta oo naga mid ah xambaarsan yahay. Aan wax walba raacno.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close