“Ma quusan doono” – Neymar oo farriin xamaasad leh soo diray kaddib dhaawacii gaaray

(Doha) 26 Nof 2022. Dhaawaca soo gaadhay Neymar da Silva ayaa walwal ku abuuray xerada xulka qaranka Brazil iyo jamaahiirta.

Laakiin Neymar ayaa isku dayay in uu shucuur fiican faafiyo wuxuuna xaqiijiyay in uu isku dayi doono in uu sida ugu dhaqsaha badan u soo laabto si uu xulkiisa uga caawiyo finalka koobka adduunka ee Qatar.

Neymar Jr ayaa bartiisa Instagram-ka ku soo qoray farriin aad u farxad galisay taageerayaasha Brazil balse qaarkood ayaa aad uga walaacsan.

Farriinta Neymar Jr ayaa u qorneed sida tan:

“Kibirka iyo jacaylka aan dareemo markaan xirto maaliyadan waa mid aan la macnayn karin, sababtoo ah waxaan matalayaa dalkii aan ku dhashay ee Brazil.”

“Nolosheyda wax sahlan ma jiro, mar walbana waxay ahayd inaan raaco riyadayda iyo yoolalkayga.”

“Dhaawac kale oo dhib badan ayaa iga soo gaaray Koobkii Adduunka, haa, laakiin waan hubaa inaan heli doono fursad aan ku soo laabto, sababtoo ah waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u caawiyo dalkayga iyo asxaabteyda, ma quusan doono.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close