RASMI: Chelsea ayaa qandaraaska u kordhisay Trevoh Chalobah

(London) 25 Nof 2022. Chelsea ayaa maanta oo jimco ah si rasmi ah u shaacisay in ay heshiis cusub u kordhisay difaaca kooxdeeda ee Trevoh Chalobah.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay kooxda Chelsea ayaa waxaa lagu sheegay:

“Daafaca, oo kooxda ku soo biiray isaga oo 9 jir ah, waxa uu sii joogayaa Blues ilaa ugu yaraan June 2028, iyada oo kooxda ay dookh u leedahay inay qandaraaska u kordhiso ilaa 2029.”

Dhankiisa, Chalobah wuxuu ku yiri bayaan uu soo dhigay bogga rasmiga ah ee kooxda Chelsea, kaddib markii uu qandaraaska u kordhiyay:

“Sharaf weyn ayay ii tahay mar kasta oo aan xirto maaliyada buluuga ah, waxa aan doonayaa in aan sameeyo waxa ugu fiican, si aan wax walba ugu qabto kooxdan.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Sida qof walba og yahay, waxaan Chelsea joogay tan iyo caruurnimadeyda, inaan sii joogo halkan waa riyada ilmo kasta. mar kasta oo aan fursad helo, waxaan u dadaali doonaa kooxda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close