“Portugal way fiicnaan lahayd la’aanta Cristiano Ronaldo” – Halyeey Jarmal ah

(Doha) 25 Nof 2022. Halyeeyga xulka qaranka Germany ee Dietmar Hamann ayaa ka hadlay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, wuxuuna ku nuux-nuux saday in xulka qaranka Portugal uu la’aantiis ku fiicnaan lahaa koobka adduunka 2022-ka.

Hadalka Hamann ayaa yimid kaddib guushii adkayad ee Portugal kaga gaartay Ghana 3-2, Ronaldo ayaana dhaliyay goolkii ugu horeeyay, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 5 nooc oo kala duwan ka dhaliya Koobka Adduunka.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Dietmar Hamann, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Uma maleynayo in Ronaldo uu yahay sidoo hore ee lagu yaqiinay, Ma garanayo inay sababta tahay taam ahaanshiyaha ciyaarta, balse ma uusan ciyaarin.”

“Hadii aad maanta daawato isaga, kubaddihii uu qasaariyay waligiis sidaan oo kale loogama baran xirfadiisa.”

“Sida iska cad Ronaldo waxa uu wax ka dhalin karaa meelo go’an sababtoo ah waxa uu ku fiican yahay kubbadaha madaxa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close