Pedri oo rajeynaya in Asensio uu ku biiro Barcelona

(Barcelona) 25 Nof 2022. Xiddiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Pedri ayaa ammaanay xiddiga ay isku dalka yihiin iyo naadiga Real Madrid ee Marco Asensio, isaga oo u rajeeyay in uu u soo dhaqaaqo garoonka Camp Nou inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Qandaraaska Asensio ee Real Madrid ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareedkan, ilaa hadda ma jiraan wax calaamado ah oo ku saabsan heshiis kordhinta, laakiin kooxda ayaa isku dayday inay iibiso ciyaaryahanka xagaagii hore si ay uga fogaato inuu bilaash uga tago xagaaga soo socda.

Marco Asensio ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, sababtoo ah tababare Xavi Hernandez ayaa aaminsan in xiddiga Real Madrid uu ku haboon yahay qaab ciyaareedka Barca, ciyaaryahanka ma uusan diidin doorashadan in kabadan hal jeer ayuuna ka hadlay arrintan

Wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Pedri, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Marco Asensio waxa uu leeyahay tayo badan, aan aragno waxa dhaca kaddib dhammaadka qandaraaskiisa, laakiin dhamaan ciyaartoyda wanaagsan waa inay ka ciyaaraan Barcelona.”

“Aan aragno waxa ka dhaca qandaraaskiisa, wuxuu leeyahay sifooyin aad u badan. Kani waa go’aankiisa, waana inuu qaataa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close