Ferdinand oo si weyn u ammaanay wax qabadka mid ka mid ah xiddigaha England ee koobka adduunka

(Doha) 24 Nof 2022. Halyeeyga xulka qaranka England ee Rio Ferdinand oo si weyn u ammaanay wax qabadka mid ka mid ah xiddigaha England ee koobka adduunka

Ferdinand ayaa ammaanay qaab ciyaareedka Jude Bellingham ee koobka adduunka intii lagu jiray kulankii ugu horeeyay ee xulku ay la ciyaareen Iran.

Jude Bellingham ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee kulankii ay England guusha kaga gaartay Iran 6-2, waxayna jamaahiirta xulka qaranka England filayaan inuu si qurux badan uga soo dhalaali doono kulamada soo socda.

Wargeysa AS ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Rio Ferdinand, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Bellingham aad buu isugu kalsoonaa kaddib wareysi uu bixiyay, kahor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka, wuxuuna wax qabadkiisa ku soo bandhigay garoonka dhexdiisa.”

“Koontaroolka uu ku ciyaarayo garoonka waa mid dhaafsiisan da’diisa, waa ciyaaryahan weyn, Wuxuu awood u leeyahay inuu sidaas u ciyaaro Koobka Adduunka isagoo jira da’adan.

Si kastaba ha noqotee, England ayaa kulankooda soo socota kula ciyaari doonta Mareykanka jimcaha soo socda garoonka Al-bayt. Waxayna jamaahiirta England rajeynayaan in ay safarka sii wataan ilaa ay ku guulaystaan ​​koobka adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close