Dani Alves oo ammaanay Pedri iyo Gavi kaddib markii ugu horeysay ay ka soo muuqdeen Koobka Adduunka

(Doha) 24 Nof 2022. Daafaca reer Brazil ee Dani Alves ayaa ammaanay labada ciyaaryahan ee Barcelona iyo xulka qaranka Spain, kaddib markii ugu horeysay ee ay ka soo muuqdeen Koobka Adduunka,

Alves ayaa amaanay labada ciyaaryahan ee Barca iyo La Roja, Pedri iyo Gavi, kaddib markii ay ka qeyb galeen kulankii xulka qaranka Spain ay guusha kaga gaareen Costa Rica 7-0, taasoo aheyd bilowga safarkooda Koobka Adduunka ee haatan ka socda Qatar.

Wuxuu Dani Alves si fiican u yaqaan xiddigaha da’ada yar ee Pedri iyo Gavi, maadaama uu kula soo ciyaaray Barcelona, ​​xilligiisii ​​​​labaad ee waayihiisa kooxda Catalonia, kahor inta uusan markale ka tagin kooxda.

Daafaca reer Brazil ee Dani Alves oo saxaafada la hadlay ayaa wuxuu yiri:

“Waan jeclahay ciyaartoyda sida Pedri iyo Gavi, waxay labadooda sameeyaan ayaa ka dhigaya kubadda cagta mid qurux badan, oo madadaalo iyo soo jiidasho leh.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close