Wax walba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato furitaanka Koobka Adduunka 2022 ee Qatar

(Qatar) 20 Nof 2022. Saacado aad u yar ayaa nooga harsan in uu bilaawdo munaasabada kubbadda cagta iyo isboortiga ugu muhiimsan adduunka, ee koobka aduunka 2022, kaas oo lagu qaban doono dalka Qatar.

Sida caadada ah qof walba indhihiisa waxay u jeedaan maalinta koowaad ee Koobka Adduunka, gaar ahaan xafladda furitaanka tartanka iyo kulanka ugu horreeya inuu qof kastaa daawado, iyadoo aan loo eegin labada xul ee iska soo horjeeda.

Haddaba warbixintan waxaan ku eegi doonaa Wax walba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato furitaanka Koobka Adduunka 2022 ee Qatar

Xilliga xaflada furitaanka koobka aduunka 2022:

Xafladda furitaanka Koobka Adduunka 2022 ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 04:00 galabnimo ee xilliga magaalada Qaahira, oo ah  05:00 galabnimo ee xilliga Geeska Afrika, waxaana lagu qaban doonaa garoonka Al-bayt, kaas oo qaadi kara 60,000 oo daawadayaal ah.

Xilliga ciyaarta furitaanka Koobka Adduunka 2022 ee u dhexeysa Qatar iyo Ecuador:

Ciyaarta furitaanka ayaa dhexmari doonta Qatar oo ah dalka martigelinaya iyo Ecuador, laba saacadood kaddib furitaanka Koobka Adduunka, 07:00 fiidnimo ee xilliga Geeska Afrika.

Faahfaahinta xafladda furitaanka Koobka Adduunka 2022

Warar xan ah oo aad u badan ayaa laga sheegay faahfaahinta xafladda furitaanka Koobka Adduunka ee 2022, gaar ahaan kaddib markii FIFA ay go’aansatay in kulanka Qatar iyo Ecuador la qabto maalinta furitaanka, mana aha Isniinta, sidii hore loo qorsheeyay.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Fannaanada caanka ah ee reer Colombia Shakira ay ka mid noqon doonto xiddigaha ka qeyb galaya Koobka Adduunka, balse arrintu ilaa hadda lama xaqiijin marka la eego saxaafadda caalamiga ah oo ka hadlaysa in fannaanadda caanka ah ay ka laabatay ka qeyb galka xaflada Koobka Adduunka.

Halka fanaanada caalamiga ah ee Dua Lipa ay gabi ahaanba diiday inay ka soo qayb gasho xaflada furitaanka Qatar arimo shaqsi ah awgood.

Laakiin waxa ilaa hadda la xaqiijiyay in xaflada furitaanka Koobka Adduunka Qatar uu ka qeyb galayo Jungkook, oo xubin ka ah kooxda caanka ah ee BTS

Si kastaba ha ahaatee, marka laga soo tago xaflada faneedka la filayo, ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn halka ay ku danbeyn doonto hawlaha xaflada furitaanka, marka laga reebo in qaban qaabiyaasha xafladaasi ay ku soo bandhigi doonaan bandhig faneed ka turjumaya taariikhda dalka Qatar, isla markaana noqon doona mid ka turjumaya dabeecad Carabeed oo kaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close