Rodrygo oo farriin gaar ah u diray Neymar kahor koobka adduunka

(Brazil) 18 Nof 2022. Xiddiga da’ada yar xulka qaranka Brazil ee Rodrygo ayaa farriin u diray saaxiibkiis Neymar Jr, kahor inta uusan bilaaban koobka adduunka ee Qatar ka dhici doona Axadda soo socota.

Wargeyska “Marca” ayaa daabacay farriinta uu diray Rodrygo ee ku wajahan Neymar, isaga oo yiri:

“Sharaf ayay ii tahay inaan ka garab ciyaaro Neymar, sababtoo ah wuxuu ahaa mid aan ku daydo welina waan ku dayanayaa.”

“Waxa aan ku soo koray daawashada isaga oo ciyaaraya, Neymar waxa uu had iyo jeer ahaa hoggaamiye tan iyo markii uu Santos joogay.”

“Neymar waxa uu siinayaa ciyaartoyda da’ada yar kalsooni weyn, waa shaqsi aad ugu fiican kooxda, marka laga soo tago tayadiisa.”

“Waan ognahay inaan heysano koox weyn, iyo inaan ka mid nahay musharaxiinta, laakiin sidoo kale waxaa jira xulal kale oo wanaagsan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close