“Hadalka Ronaldo wuxuu saameeyay Man United” – Raphaël Varane

(Manchester) 17 Nof 2022. Daafaca Manchester United Raphaël Varane ayaa qirtay in hadalka saaxiibkiis Cristiano Ronaldo ay saameyn ku yeesheen ciyaartoyda iyo kooxda.

Laakiin Raphaël Varane wuxuu carabka ku adkeeyay inaan loo baahneyn in iyaga lagu mashquulo oo diirada la saaro kubadda cagta.

Ronaldo ayaa hadallo meel ka dhac ku ah Manchester United ku sheegay wareysigii uu la yeeshay Piers Morgan, kaasoo uu ku dhaleeceeyay maamulka iyo tababare Erik ten Hag iyo tababarihiisii ​​hore ee Ralf Rangnick, isagoo sidoo kale weeraray saaxiibadiisii ​​hore ee Wayne Rooney iyo Gary Neville.

Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa wuxuu daabacay wareysiga Raphaël Varane, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Dabcan tani way na saamaynaysaa, waan la soconaa waxa dhacaya iyo waxa la yiri. Waxaan isku dayeynaa inaan xaalada dejino, waxaana isku daynaa in aynaan ku lug yeelan, waxa ka dhaca kooxaha waa weyn, waxay abuurtaa dardar dhanka warbaahinta ah.”

“Marka uu yahay xiddig sida Ronaldo oo kale ah, in ka badan ayaa dhacda. Taasi waa sababta aan isku dayeyno inaan arrinta diirada saarin oo aan jawiga dejinno.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close