Rodrygo oo shaaca ka qaaday xulka uusan dooneyn inuu ku wajaho koobka adduunka 2022

(Brazil) 15 Nof 2022. Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Brazil Rodrygo ayaa shaaca ka qaaday xulka uu rajaynayo inaysan ka hor imaanin Koobka Adduunka 2022, kaasoo Qatar lagu qaban doono 5 maalmood gudahood.

Rodrygo ayaa casuumaad ka helay tababare Tite si uu u matalo xulka qaranka Brazil koobka adduunka Qatar, taasoo ay ugu wacan tahay qaab ciyaareedkii wacnaa ee uu la sameeyay Real Madrid qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore iyo bilihii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka Real Madrid ayaa amaanay qaabka ay u ciyaareen Spain, waxaana uu ku macneeyay inay tahay mid ka mid ah xulalka ugu adag oo ay ku wajihi karaan Koobka Adduunka 2022.

Wargeyska “Marca” ayaa daabacay, wareysi uu bixiyay Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Brazil Rodrygo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Xulka Spain waxay mar walba u ciyaaraan si wanaagsan sababtoo ah qaabkooda gaarka ah,”

“Waa mid ka mid ah xulalka sida fiican u shaqaynaya.”

“Spain waligeed wax badan ayay heysatay.”

“Waxaan u arkaa inay tahay koox aad khatar u ah, haddii ay aniga igu xidhan tahay, ma jecli inaan iyaga ku wajaho Koobka Adduunka.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close