“Waxaan ku riyoodaa inaan Messi kula ciyaaro Barcelona” – Lewandowski

(Barcelona) 14 Nof 2022. Xiddiga reer Poland iyo kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski, ​​ayaa xaqiijiyay inuu ku riyoonayo inuu ka garab ciyaaro Lionel Messi.

Lewandowski ayaa ka jawaabay wararka la xiriirinaya Messi inuu ku laabanayo Barca, kaddib marka uu dhaco qandaraaskiisa kooxda Paris Saint-Germain bisha June ee soo socota, wuxuuna yiri.

“Messi waxa uu awood u leeyahay in uu hore u bixiyo baas cajiib ah, waxa uu xiriir gaar ah la lahaa weeraryahanada, waxa uu garanayaa sida kubadda loogu dhigo xerada ganaaxa, uma malaynayo in uu jiro qof adduunka jooga oo isaga ka fiican.”

“Dabcan, ma garanayo in Messi uu ku laaban doono Barcelona iyo in kale, laakiin aniga, sida weeraryahan kasta oo adduunka ah, waxaan ku riyoodaa inaan la ciyaaro isaga, guulaha uu Messi gaarayna waa wax aan macquul aheyn in lagu celiyo.”

“Hadda waxa hor yaalla caqabadda ugu weyn ee uu ku doonayo in uu ku guuleysto Koobka Adduunka, wax walbana waa ay dhici karaan.”

Lewandowski oo ka hadlayay suurtogalnimada in Messi uu kula guulaysto Argentina Koobka Adduunka 2022 ee Qatar, ayaa yiri:

“Dabcan, Argentina waxa ay ka mid yihiin xulalka ugu cadcad hanashada horyaalka, waa koox wanaagsan oo qorshe cad leh, waxaanay soo bandhigaan heerar wanaagsan, lagama badin 30-kii kulan ee ugu dambeeyay.”

“Messi waxa uu kubada cagta maamulay 10-kii sano ee la soo dhaafay, sidoo kale Cristiano Ronaldo, waa laba halyeey, waxaana la dhihi karaa labadoodaba waxay u qalmaan ku guuleysiga Koobka Adduunka markan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close