Man United oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Fulham oo ay booqatay

(London) 13 Nof 2022. Manchester United ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Fulham oo ay ku  booqatay garoonka Craven Cottage, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb kahayd horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester United.

Daqiiqadii 14-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Eriksen.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

61 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Fulham ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Daniel James.

Laakiin daqiiqadii 90 + 3-aad Alejandro Garnacho oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Christian Eriksen ayaa wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Manchester United, kooxda Fulham oo ay ku  booqatay garoonka Craven Cottage, United-ka ayaa waxay ku jirtaa kaalinta 5-aad ee miiska kala sarreynta horyaalka, waxayna leedahay 26 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close