Kaddib Spain… Busquets oo shaaca ka qaaday xulka uu rajeynayo inuu ku guuleysto Koobka Adduunka 2022

(Spain) 13 Nof 2022. Xiddiga khadka dhexe kooxda Barcelona iyo xulka Spain ee Sergio Busquets, ayaa rajeeyay xul aan Spain ahayn inuu ku guuleysto Koobka Adduunka 2022 ee Qatar.

Sergio Busquets ayaa u rajeeyay xulka qaranka Argentina inuu ku guuleysato Koobka Adduunka 2022 ee Qatar, haddii dalkiisa uu awoodi waayo inuu ku guuleysto koobka.

Busquets ayaa war saxaafadeed uu soo saaray fiidnimadii sabtida wuxuu ku sheegay:

“Waxaan rajaynayaa in aan ku guulaysano koobka adduunka markan.”

“Laakiin haddii koobka uu ku guuleysto Lionel Messi, Xaqiiqdii waan ku farxi lahaa isaga.”

Isaga oo ka hadlayay xulalka u sharaxan inay ku guuleysan karaan koobaka adduunka ee Qatar ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Argentina iyo Brazil ay yihiin kuwa ugu cadcad inay ku guuleysan kara koobka, way ka sarreeyaan xulalka Yurub, labaduba heer gaar ayay ku sugan yihiin waayadan dambe, Waxay leeyihiin waxyaabo aad u fiican oo heer shakhsi ah iyo difaac adag.”

“Messi waa ciyaartoy iskii wax u samayn kara, runtii waa ciyaartoy go’aan qaadasho leh, annaguna haddii aanu Spain nahay ma haysanno ciyaartoy tayo leh, sidaa darteed waxaanu ka shaqayn doonaa sidii aanu u dhisi lahayn awooda Spain anagoo ku tiirsanaan doono inaan si wadajir ah u ciyaarno.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close