Isku aadka wareega 16-ka Champions League oo Maanta la sameynayo…. (Ka Bogo XOG DHAMMEYSTIRAN)

(Nyon) 07 Nof 2022. Waxaa maanta la sameyn doonaa isku aadka wareega 16-ka ee koobka xiisaha badan ee Champions League. taasoo ka dhici doonta xarunta dhexe ee xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ee ku taala magaalada Nyon dalka Switzerland.

Haddaba waxaan halkan kugu heynaa wax kasta oo aad uga baahan tahay wareega 16-ka Koobka Dhaga waynaha.

Waa kuwee 16-ka Kooxood ee soo gudbay?

Image

Kooxaha Koowaad ku soo baxay:

Bayern Munich – Benfica – Chelsea – Manchester City – Napoli – Porto – Real Madrid – Tottenham Hotspur.

Kuwa Labaad ku soo baxay:

Club Brugge – Borussia Dortmund – Eintracht Frankfurt – Inter Milan – RB Leipzig – Liverpool – Milan – Paris Saint-Germain.

Goorma ayaa la sameenayaa Isku aadka Champions League?

Waxaa la sameynayaa maanta oo Isniin ah marka ay saacada dhankeena tilmaameyso Sideeda Duhurnimo 2:00

Miyay Isku aadi karaan Kooxaha isku dalka ka soo jeeda?

Maya, iskuma aadi karaan si la mid ah sidii wareega Group-yada taa oo ka dhigan in Liverpool ay ka bad-baadi doonto, Chelsea, Manchester City iyo Tottenham Hotspur oo koowaad kaga soo baxday wareegeeda.

Laakiin marka la gaaro wareega sideed dhammaadka Champions League ma jirto sharci kala reebi doona oo si kasta ayaa la isugu aadin karaa kooxaha.

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada wareega 16-ka Champions League?

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray taariikhda la ciyaari doono kulamada lugta hore, waxaana kulamada lugta hore la ciyaari doonaa 14,15, 21 iyo 22 February 2023. halka lugta labaad kulamadiisa la ciyaari doono 7, 8, 14 iyo 15-ka March 2023.

Taariikhaha isku aadka wareega siddeed dhamaadka, afar dhammaadka iyo finalka: 

Kaddib markii la soo gabagabeeyo wareegga 16-ka, UEFA waxay qaban doontaa isku aadka wareegyada soo socda hal maalin, taasoo ku beegan Jimcaha 17-ka March 2023.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close