Kaddib bixitaankii Pique .. Barcelona oo ka fariisaneysa saxiixa xiddiga Man City ah

(Barcelona) 05 Nof 2022. Wargayska Sport ee ka soo baxa gobolka Catalonia ayaa sheegay in Barcelona ay gali doonto suuqa jiilaalka iyo waliba suuqa xagaaga soo socda.

Barcelona ayaa u muuqata inay ka shaqayn doonto in lagu daro dhawr ciyaartoy oo cusub si kor loogu qaado tayada kooxda tababare Xavi Hernandez.

Maamulka Barcelona ayaa qorsheynaya inay la soo saxiixdaan ciyaaryahan khadka dhexe, iyo badelka Gerard Pique oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha, sidoo kale xiddig si wanaagsan kaga ciyaari kara garabka midig.

Barca ayaa daraaseyneysa suurtogalnimada ay kula soo saxiineyso xiddiga Manchester City Bernardo Silva, kaasoo horey u muujiyay inuu xiisenayo xirashada maaliyada Blaugrana, horayna u shaaciyay inuu doonayo inuu ka tago Manchester City.

Wargeyska Sport ayaa xaqiijisay in Barcelona ay cadahay rabitaankeeda ku aadan inay la saxiixato Bernardo Silva ama Lionel Messi dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin imaatinka Bernardo Silva ee garoonka Camp Nou ayaa ku xiray, in marka hore la hubiyo haddi ay suurtogal tahay soo laabashada xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi.

Dhanka kale Bixinta Gerard Pique ayaa albaabka u furaysa saxiix cusub oo dhanka daafaca ah suuqa kala iibsiga jiilaalka ee soo aadan, maamulka Barcelona ayaa la kulmi doona tababare Xavi Hernandez si ay u falanqeeyaan dhammaan xulashooyinka miiska saaran, iyo haddii ay suurtogal tahay in la keeno xiddiga reer Portugal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close