Muxuu ka yiri Ancelotti kaddib guushii ay Real Madrid ka gaartay Shakhtar Donetsk?

(Madrid) 06 Okt 2022. Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay guushii ay xalay kooxdiisa ka gaartay Shakhtar Donetsk.

kooxda difaacaneysa tartankan ee Real Madrid ayaa dhagta ciida u dartay Shakhtar Donetsk, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, Rodrygo iyo Vinícius Júnior ayeey goolasha ka heshay Los Blancos.

Haddaba ciyaarta kaddib Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Waxaan u ciyaarnay si wanaagsan, waxaana cadaadis saarnay kooxda naga soo horjeeday, kuma guuleysan inaan kubaddo badan ku tuurno goolka, laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaad hesho fursado gool lagu dhalin karo.”

“Kulamada noocaan oo kale ah waa ay adag yihiin haddii aadan awoodin inaad horumar sameyso, laakiin ugu dambeyntii wax walba waan xakameynay.”

“Uma ogolaanin Shakhtar inay si raaxo leh u ciyaarto, cadaadis ayaan saarnay, waxaana ka codsaday ciyaartoyda inay isku soo dhawaadaan, sababtoo ah xakameynta badan waxay keeni kartaa in diirada la saaro sidii dhacday dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta. Waxay u muuqataa mid fudud, laakiin kulammadan aad bay khatar u yihiin.”

“Hadda waxaan heysanaa fursad aan ugu soo bixi karno wareega xiga ka dib markii aan badinay seddex kulan, Sabtida kulanka Getafe waxaa jiri doonta fursad lagu nasiyo ciyaartoyda qaar.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close