Guardiola oo ka nixiyay jamaahiirta England kaddib markii uu sheegay suurtagalnimada in xiddiga Man City ah uu ka maqnaan karo koobka adduunka

(Manchester) 06 Okt 2022. Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si maldahan u sheegay suurtogalnimada uu Kyle Walker kaga maqnaan doono xulka saddexda libaax ee koobka aduunka 2022 ka dhacaya dalka Qatar.

Daafaca midig ee caanka ah Kyle Walker ayaa ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee Manchester Derby, kaasoo Man City ay ku adkaatay 6-3.

Maqnaanshaha Kyle Walker ee xulka England ayaa noqon doonta mid naxdin leh marka loo eego muhiimada uu xiddiga Manchester City u leeyahay qorshaha xulka uu hoggaamiyo Gareth Southgate.

Pep Guardiola ayaa la hadlay warbaahinta kaddib guushii xalay ay Manchester City kaga gaartay Copenhagen tartanka Champions League, wuxuuna yiri:

“Dhaawaca Kyle Walker? Muddo ayuu ka maqnaan doonaa ka qaybgalka kulammada.”

“Ma garanayo goorta uu soo laaban doono, wax kalena ma sheegi karo. Waa inaan la hadalnaa dhakhaatiirta, waxaana rajeyneynaa inuu soo laaban doono kahor Koobka Adduunka sida Kalvin Phillips oo kale.”

“Waan ogahay sida uu muhiim ugu yahay koobka aduunka ciyaartoyda, laakiin run ahaantii, ma garanayo Ilaa hadda goorta uu soo laaban doono.”

Waxaa xusid mudan in Kyle Walker uu ka qayb qaatay kooxdiisa Manchester City xilli ciyaareedkan ilaa hadda 8 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close