Europa League: Man United oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Omonia Nicosia oo ay booqatay

(Yurub) 06 Okt 2022. Manchester United ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Omonia Nicosia oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3, kulan ka tirsanaa heerka guruubyada ee tartanka UEFA Europa League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Omonia Nicosia.

Daqiiqadii 34-aad kooxda Omonia Nicosia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddigooda Karim Ansarifard, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Bruno Felipe.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

53 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester United ayaa heshay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Marcus Rashford.

Daqiiqadii 63-aad Martial oo caawin ka helay Rashford ayaa wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2 ay ku hoggaamineysay United.

Marcus Rashford oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna gaarsiiyay illaa iyo 1-3.

Laakiin daqiiqadii 85-aad kooxda Omonia Nicosia ayaa la timid gool, waxaana 2-3 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Panagiotou, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Andronikos Kakoullis.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Manchester United, kooxda Omonia Nicosia oo ay booqatay, United oo ayaa kaalint labaad kaga jirta Group E, waxayna leedahay 6 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close