Muxuu Macallin Xavi ka yiri guuldarradii xalay Kooxdiisa ka soo gaartay Inter Milan & Kulanka lugta labaad oo ay Camp Nou ku soo dhoweyn doonaan Kooxda reer Talyaani?

(Milano) 05 Okt 2022. Macallin Xavi Hernandez ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga xanaaqay qaab ciyaareedkii garsooraha kulankii ay Barcelona xalay guuldarrada kala kulantay Inter Milan ee wareegga saddexdaad heerka Guruubyada Champions League.

Waxa uu qirtay Tababaraha Barcelona in kooxdu ku dhibtoonaysay inay soo bandhigto qaab ciyaareedkeedii loo qorsheeyey kulankan, isla markaana ay qaladaad badan samaynaysay qeybtii hore inkastoo ay soo fiicnaatay qeybtii labaad ee ciyaarta, laakiin aysan ka faa’iideysan fursadihii ay helaysay.

Isagoo Macallin Xavi ka hadlayey garsoorihii dhex-dhexaadinayey kulankaas ayaa yiri: “Waan xanaaqsanahay, marka hore waxay noo sheegeen inuusan gool jirin oo Ansu Fati uu gacanta ku taabtay ka hor inta uusan gool dhalin Pedri, markii uu Dumfries kubadda gacanta ku taabtayna ma’ahayn rigoore, ma’ahan arrin aan anigu fahmay.”

Image

“Tani waa fikradeyda, waxaan doonayay inaan la hadlo garsooraha, maxaa yeelay ma uusan dhigin rigoore, waan ka xanaaqay sababtoo ah taasi waxay ahayd cadaaladdarro & minco la’aan, waxayna ahayd inuu ii sharaxo oo uu sharaxaad ka bixiyo go’aannadiisa.” ayuu Tababare Xavi hadalkiisa ku daray.

“Waxaan u ciyaarnay si wanaagsan qeybtii labaad ee ciyaarta, qeybtii hore uma ciyaarin heerka Champions League, todobaadka dambe waxa aan Inter kula ciyaari doonaa garoonkeenna, waxa ayna noo noqon doontaa sida Final oo kale.” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Macallinka reer Spain ee Xavi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close