Kooxaha Real Madrid, Man City, Chelsea oo guulo gaaray & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League

(Yurub) 05 Okt 2022. Kulammo ka tirsan heerka guruubyada UEFA Champions League ayaa caawa la ciyaaray, iyadoo ay ku jireen kulammo waa weyn.

Kooxda Manchester City ayaa gumaaday naadiga FC Copenhagen, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-0, goolasha City waxaa u kala dhaliyay Haaland 2 gool ah, Mahrez, J. Alvarez iyo gool uu iska dhaliyay xiddiga Copenhagen ee Khocholava.

Dhinaca kale kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku garaacday naadiga reer Talyaani ee AC Milan, waxayna kaga adkaatay 3-0, Fofana, Aubameyang, iyo James ayaa goolasha u kaladhaliyay Blues.

Dhankeeda kooxda difaacaneysa tartankan ee Real Madrid ayaa dhagta ciida u dartay Shakhtar Donetsk, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, Rodrygo iyo Vinícius Júnior ayeey goolasha ka heshay Los Blancos.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group E

FC Salzburg 1-0 Dinamo Zagreb

Chelsea 3-0 AC Milan

Group F

RB Leipzig 3-1 Celtic

Real Madrid 2-1 Shakhtar Donetsk

Group G

Manchester City 5-0 FC Copenhagen

Sevilla 1-4 Borussia Dortmund

Group H

Benfica 1-1 Paris Saint-Germain

Juventus 3-1 Maccabi Haifa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close