“Valverde wuu ka fiicnaan doonaa Gerrard” – Ancelotti

(Madrid) 02 Okt 2022. Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa amaanay xiddigiisa reer Uruguay Federico Valverde isaga oo xusay in uu ka fiicnaan karo halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard.

Dad badan ayaa Valverde la barbardhigay Steven Gerrard kaas oo ka mid ah ciyaartoydii khadka dhexe ee ugu fiicnaa 20-kii sano ee la soo dhaafay, sababtoo ah waxa uu leeyahay astaamo badan oo uu xiddiga Ingariiska lahaa, sida xawaaraha, awooda darbada iyo awooda jireed.

Haddaba tababare Carlo Ancelotti oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor ciyaarta Osasuna, wuxuu yiri:

“Waan aqbalay, way fiican tahay in lala barbar dhigo Valverde isaga, waxa uu haystaa wax walba oo uu ku gaari karo heerka Gerrard iyo waliba wax ka badan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close