Muxuu ka yiri Klopp kaddib barbarihii Liverpool ay la gashay Brighton?

(Lierpool) 02 Okt 2022. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kulankii ay kooxdiisa barbaraha 3-3 la gashay Brighton fiidnimadii sabtida, kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Kooxaha Liverpool iyo Brighton & Hove Albion ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 3-3 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Klopp ayaa shir jaraa’id oo uu ka soo muuqday kulanka kaddib, wuxuu ka hadlay barbarihii ay la galeen Brighton, wuxuuna yiri:

“Waxa dhacay maanta waxa ay xaqiijinayaan in kalsoonida kooxda lafteedu aanay hadda sare u sii socon.”

“Waxaan awood u yeelanay inaan dib u soo celino kalsoonida kaddib markii aan la kulanay dib u dhacyo, dib u dhacii maantana waxay hoos u dhigtay kalsoonida iyo niyadda.”

“Waxaan la yaabnay qaabka ay u ciyaartay Brighton, iyo habaynta ciyaartoyda ee garoonka dhexdiisa, ma aanan ogeyn waxa ay kooxda naga soo horjeeda ku hoos sameyn doonto tababaraha cusub maanta.”

“Dabcan, maanta waxaan dareemeynaa inaan guul dareysan oo aan bar-bardhac galnay, xaqiiqaduna waxay tahay in ciyaartoydeyda ay awood u leeyihiin inay u ciyaaraan si ka fiican sidii ay muujiyeen, shaqadeena kooxdana waa inaan ka dhigo ciyaaryahan kasta inuu bixiyo waxa ugu fiican.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close