Man City oo NUS DARSAN goolal ah kaga adkaatay Man United oo marti ugu ahayd garoonkeeda Etihad

(Manchester) 02 Okt 2022. Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad ku xasuuqday Man United, kaddib markii ay kaga adkaatay 6-3, kulanka lugta hore horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 8-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Phil Foden, kaddib markii uu ka caawiyay Bernardo Silva.

34 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Haaland oo caawin ka helay De Bruyne ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Haaland oo markale ay caawin kaga timid De Bruyne ayaa daqiiqadii 37-aad wuxuu ciyaarta gaarsiiyay 3-0 ay ku hor kaceysay Manchester City.

44 daqiiqo Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana 4-0 ka dhigay Phil Foden, kaddib markii ay caawinta goolkan kaga timid saaxiibkiis Haaland.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad kooxda Manchester United ayaa dhalisay gool kaddib markii uu 4-1 ka dhigay Antony oo caawin ka helay Eriksen.

Laakiin 64 daqiiqo Haaland oo ay caawin kaga timid Sergio Gómez ayaa ciyaarta ka dhigay 5-1 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Foden oo ay caawin kaga timid Haaland ayaa daqiiqadii 73-aad wuxuu soo gabagabeeyay bandhiga goolasha kulankan ee kooxda Manchester City, wuxuuna ciyaaarta ka dhigay 6-1.

Laakiin daqiiqadii 84-aad Manchester United ayaa dhalisay markale gool waxaana 6-2 ka dhigay Martial oo badel ku soo galay ciyaarta.

90 + 1-aad Manchester United ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Martial, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 6-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 6-3 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United oo marti ugu ahayd garoonka Etihad. Xilli kulankan leyska dhaliyay 9 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close