Muxuu ka yiri Graham Potter mustaqbalka Christian Pulisic ee kooxda Chelsea?

(London) 01 Okt 2022. Tababaraha kooxda Chelsea ee Graham Potter ayaa farriin fiican u diray xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Maraykanka ee Christian Pulisic isaga oo carabka ku adkeeyay in uu fursad u heli doono in uu isku dayo in uu xirfadiisa ku soo nooleeyo magaalada London.

Tababare Thomas Tuchel ayaan aad ugu tiirsanayn Christian Pulisic, inkasta oo Timo Werner iyo Callum Hudson-Odoi ay ka tageen kooxda intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga ee ugu dambeeyay.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Graham Potter ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay:

“Aniga ahaan kaliya waxaan ka hadli karaa xaalada Christian Pulisic, dabeecadiisa waxay ahayd mid wanaagsan, waana nin caqli badan, toosan oo garanaya sida uu isu muujiyo.”

“Wadahadalka aan la yeeshay isaga waxa uu ahaa mid wanaagsan, qofna ku xukumi maayo wixii hore u dhacay, aniguna go’aan ayaan qaadan doonaa.”

Waxaa jiray hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalka Pulisic iyo suurtogalnimada uu uga tagi karo Blues dhawaan, laakiin hadda wuxuu fursad ka heli karaa tababaraha cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close