Macallin Mikel Arteta oo Indhaha ku haya rikoor taariikhi ah kulanka maanta Arsenal & Tottenham ee North London Derby

(London) 01 Okt 2022. Macallinka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa indhaha ku haya rikoor gaar ah kulanka ay kooxdiisu maanta soo dhoweynayso Tottenham ee horyaalka Premier League.

Kulankii ugu horreeyey ee Arteta uu ka hortagay Kooxda Tottenham isagoo tababare ah waxa uu kooxdiisa Arsenal ku hoggaamiyey guul 2-1 ah kal ciyaareedkii 2020/2021.

Sidoo kale Gunners ayaa xilli ciyaareedkii hore guul 3-1 ah ka gaartay kooxda Tottenham kulan ka qabsoomay garoonka Emirates, waxaana uu ahaa kulankiisii labaad oo uu garaaco Spurs.

Haddii tababaraha reer Spain ee Arteta uu guul ku hoggaamiyo galabta kooxdiisa Arsenal, waxa uu isku qori doonaa taariikhda Gunners ee kulanka loo yaqaan North London Derby.

Arsenal haddii ay maanta ka adkaato Tottenham waxa uu noqon doonaa Arteta tababarihii saddexaad ee taariikhda guul gaara saddexdiisa kulan ee ugu horreeya kulanka loo yaqaanno North London Derby.

Macallin Mikel Arteta waxaa rikoorkan kaga horreeyay labada tababare ee George Morrl iyo Terry Neill.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close