Chelsea oo saddexda dhibcood ka soo heshay Crystal Palace oo ay booqatay

(London) 01 Okt 2022. Chelsea ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Crystal Palace oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood Crystal Palace iyo Chelsea ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 7-aad Crystal Palace ayaa durba la wareegtay hoggaanka ciyaarta iyada oo 1-0 uu ka dhigay Odsonne Édouard, waxana caawinta goolkan lahaa Jordan Ayew.

Aubameyang oo ay caawin kaga timid Thiago Silva, ayaa 38 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd wuxuu ka dhigay barbardhac 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay xiddigooda Conor Gallagher, kaddib markii uu ka caawiyay Pulisic.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Chelsea, kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close