Arsenal oo garoonkeeda Emirates guul ay u qalantay kaga gaartay 10 xiddig oo kooxda Tottenham ah

(London) 01 Okt 2022. Arsenal ayaa garoonka Emirates guul ay u qalantay kaga gaartay 10 xiddig oo kooxda Tottenham ah, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood Arsenal iyo Tottenham Hotspur ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 20-aad kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Thomas Partey kaddib markii uu ka caawiyay Ben White.

Laakiin 31 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Tottenham Hotspur ayaa loo dhigay rigoore, waxaana barbardhac 1-1 ka dhigay Harry Kane.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda Arsenal ayaa markale hoggaanka ciyaarta la wareegtay waxaana u dhiibay weeraryahankooda reer Brazil ee Gabriel Jesus.

67 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Xhaka oo a caawin kaga timid Martinelli ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Arsenal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, Gunners ayaa kaddib guushan waxay wali hoggaamineysaa kala sarreynta horyaalka Premier League, waxayna uruursatay 21 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close