Halyeey Real Madrid ah oo ka jawaabay hadalkii Messi ee ku saabsanaa Champions League

(Madrid) 28 Sebt 2022. Xidigii hore ee Real Madrid Guti ayaa ka jawaabay hadaladii Lionel Messi ee ahaa in aanu ku guulaysan Champions League.

Messi ayaa qirtay in qof walba oo Paris Saint-Germain ku sugan uu doonayay inuu ku guuleysto Champions League xilli ciyaareedkii hore, laakiin kan ugu fiican uusan mar walba ku guuleysan tartankan.

Weeraryanka kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Qof walba waa ogyahay in hadafka Paris Saint-Germain uu yahay ku guuleysiga Champions League, guuldarradii Real Madrid waxay ahayd mid adag, marka loo eego sida ay wax u dhaceen.”

Haddaba Guti ayaa dhaleeceeyay hadaladii Messi ee ku saabsanaa labadii kulan ee Paris Saint-Germain iyo Real Madrid, wuxuuna yiri:

“Waa ayo kooxda ugu fiican aragtida Messi, sidee buu u qiimeeyaa, goormase? Ma hal kulan baa, mise laba ciyaarood, ama saddex kulan oo wareega bug baxda ah, taasi waxay muujinaysa in Real Madrid ay ka sarrayso dhammaan kooxaha ka soo horjeeda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close