Weeraryahanka Chelsea ee Christian Pulisic oo ogolaaday inuu ku biiro Kooxda Juventus

(London) 27 Sebt 2022. Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa u dhaqaaqaysa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd Weeraryahanka naadiga Chelsea ee Christian Pulisic.

Warsidaha Calciomercato ayaa warinaya in Christian Pulisic uu wadahadallo la bilaabay kooxda Juventus, iyadoo warbixintu intaa ku darayso inuu kooxda reer Talyaani ugu biirayo adduun dhan 31 milyan oo euro.

Xiddiga xulka qaranka Maraykanka ayaan xiriir fiican la lahayn Macallinkii ka tagay shaqada Chelsea ee Thomas Tuchel, waxaana sidoo kale la warinayaa inay u muuqato Weeraryahanku weli doonayo inuu isaga tago kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London.

Inkastoo uu dhaawacyo la dhibtooday haddana Pulisic waxa uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay garoonka Stamford Bridge afartii xilli ciyaareed ee uu ku sugnaa.

Haatan Kooxda Juve ayaa la sheegayaa inay xiriir la sameysay Pulisic, isla markaana uu ciyaaryahanku diyaar u tahay inuu ku biiro xagaaga ama suuqa Janaayo ee soo aaddan kooxda ka dhisan Magaalada Turin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close