Mid ka mid ah xiddigaha Kooxda Man United oo ku dhaawacmay kulankii xalay dhexmaray xulalka England & Germany

(London) 27 Sebt 2022. Macallinka xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay in Kabtanka Kooxda kubadda cagta Manchester United ee Harry Maguire uu ku dhaawacmay kulankii xalay ay la yeesheen Germany.

Maguire ayaa dhammaystay kulankii xulkiisa qaranka Saddexda Libaax ay babaraha 3-3 la galeen dhiggooda Germany, kaasoo ahaa kulankii ugu dambeeyey oo ay labadani xul isku wajahaan ka hor Koobka Adduunka.

Tababare Gareth Southgate ayaa xaqiijiyey in daafaciisa Harry Maguire uu dhaawacmay daqiiqadihii ugu dambeeyey kulankii xalay ay barbaraha la dhaafi waayeen Germany, isla markaana uu xiddigu go’aansaday inuu sii wato ciyaarta.

Macallinka xulka qaranka England ee Southgate oo arrintaas ka hadlayey ayaa yiri: “Harry waxa uu dareemay dhaawac daqiiqadihii ugu dambeeyey kulanka, laakiin waxa uu go’aansaday inuu sii wato ciyaarta, maadaama ay dhammaad ku dhowayd.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close