Man City oo xiddig muhiim ah ka dhaawacmay kahor kulanka Manchester derby

(Manchester) 27 Sebt 2022. Manchester City ayaa lagu soo waramayaa in xiddig muhiim ah uu ka dhaawacmay kahor kulanka Manchester derby ee Axada soo socota., kaasoo qeyb ka ah kulammada horyaalka Premier League.

Daafaca xulka qaranka England iyo kooxda Manchester City ee John Stones ayaa ku dhawaacmay kulankii xalay ay la ciyaareen xulka qaranka Germany.

John Stones ayaa laga saaray kulanka kaddib markii uu dhaawac soo gaaray ciyaartii xalaay ay wada ciyaareen xulalka England iyo Germany taasoo ka tirsaneyd kulamada heerka group-yada ee tartanka UEFA Nations League, kaasoo ku dhammaaday barbardhac 3-3 ah.

Waxaa la filayaa in John Stones uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan labo todobaad kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa, taasoo xaalada ku sii adkeeneysa tababaraha Man City ee Pep Guardiola kahor kulanka soo socda ay Axada la ciyaari doonaan Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close