Taariikhda & Saacadda la ciyaari doono kulanka El Clasico ee Kooxaha Real Madrid & Barcelona oo la shaaciyey

(Madrid) 26 Sebt 2022. Taariikhda iyo saacadda la ciyaari doono kulanka koowaad ee El Clasico xilli ciyaareedkan 2022-23 ayaa la xaqiijiyey, iyadoo Barcelona ay booqanayso Real Madrid.

Kulankan ayaa ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu oo ay ku ciyaarto Los Blancos, waxaana la baasan doonaa 5:15 Galabnimo xilliga geeska Afrika Maalin Axad ah 16-ka bisha October 2022.

Labadaan kooxood geli doona bil mashquul badan, iyadoo Barca ay la ciyaari doonto Real Mallorca & Celta Vigo horyaalka La Liga, iyadoo labo kulan oo isxiga tartanka Champions League la ciyaari doonta Inter Milan, ka hor inta aysan u safrin caasimadda Spain.

Dhanka kale Real Madrid ayaa iyana la kala ciyaari doonta Getafe iyo Osasuna kulammada horyaalka, iyadoo sidoo kale labo kulan oo isxiga la ciyaari doonto Shakhtar Donetsk koobka horyaallada Yurub.

Real Madrid ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku billaabatay xilli ciyaareedkan, iyadoo aan xitaa hal kulan barbaro gelin, halka Barcelona ay kaliya dhibco lumisay horyaalka La Liga kulankii furitaanka ee ay barbaro goolal la’aan 0-0 la galeen Rayo.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close