Camavinga oo shaaca ka qaaday xiddigaha uu kaga daydo kubadda cagta

(Madrid) 25 Sebt 2022. Xiddiga da’ada yar ee kooxda Real Madrid Eduardo Camavinga ayaa xaqiijiyay in Toni Kroos iyo Luka Modric ay yihiin xiddigaha uu kaga daydo kubadda cagta, isaga oo xusay inuu wax badan ka bartay tan iyo markii uu yimid kooxda.

Real Madrid ayaa Camavinga kula soo wareegtay xagaagii hore 30 million euros oo kaliya, inkasta oo aanu laacibkan inta badan ka qayb qaadan kulammada kooxda, haddana waxa uu awooday inuu soo bandhigo tayadiisa wanaagsan.

Xiddiga da’ada yar ee kooxda Real Madrid Eduardo Camavinga ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Wax badan ayaan ka bartay Modric iyo Kroos, laga bilaabo waxa ay ka qabtaan booska ay ka ciyaaraan, sidoo kale wax badan ayey ka qabtaan garoonka banaankiisa.”

“Waxay sameeyaan jimicsi ka dib tababarka, wayna nastaan, hadda waxaan ku dabaqaa waxyaabahan oo dhan naftayda sababtoo ah way wanaagsan yihiin.”

Camavinga ayaa sharaxay in ka ciyaarista Real Madrid ay ahayd riyadiisii ​​tan iyo caruurnimadiisa, wuxuuna intaas ku daray:

“Waxay ahayd riyadayda tan iyo markii aan yaraa, waa kooxda ugu fiican aduunka, markii ay ii yimaadeen inay ila soo wareegaan, marna kama labalabayn.”

Isaga oo ka hadlayay la qabsigiisa Real Madrid, Camavinga wuxuu yiri:

“Waxaan ahay qof furfuran, waxaan la hadlaa qof kasta oo kooxda ah. Way ii fududdahay, laga soo bilaabo maalinta koowaad qof walba si naxariis leh ayuu ila dhaqmay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close