Barcelona oo heshiis is dhaafsi ah hordhigaysa Liverpool (Yeey is dhaafsanayaan?)

(Barcelona) 25 Sebt 2022. Wargeyska “Sport” ee ka soo baxa gobolka Catalonia ayaa shaaca ka qaaday heshiis is dhaafsi ah oo u dhexeeya kooxaha Barcelona iyo Liverpool.

Kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaa la filayaa suuqa furmi doono bisha January inay sameeyaan heshiis ay isku dhaafsanayaan labada weeraryahan ee Memphis Depay iyo Firmino.

Memphis Depay ayaa suuqii xagaaga qarka u saarnaa inuu ka tago kooxda Barcelona, iyadoo ay meesha ka baxday qorshihii uu ugu biiri lahaa naadiga reer Talyaani ee Juventus.

Dhinaca kale, Roberto Firmino hadda muhiim uguma ahan kooxda Liverpool sidii hore, waxaana qandaraaskiisa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigaysa bixitaankiisa bisha Janaayo ee soo socota.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in Barcelona ay diyaar u tahay inay Memphis Depay u ogolaato inuu u dhaqaaqo Liverpoo suuqa January ee soo aadan, si ay u hesho adeega Roberto Firmino.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close