“Man United wax koob ah kuma guuleysan doonto Ronaldo” – Hayey Arsenal ah

(London) 23 Sebt 2022. Halyeeyga kooxda Arsenal Paul Merson ayaa ka hadlay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo iyo fikirkiisa ku aadan sii joogistiisa Manchester United.

Hadalka Paul Merson ayaa yimid kaddib markii uu Ronaldo ku adkeystay inuu ka tago United, si uu ugu biro koox kale ee ka ciyaareysa Champions League, kahor inta aan lagu qasbin ugu dambeyntii inuu sii joogo.

Haddaba Halyeeyga kooxda Arsenal Paul Merson ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Qaybta ugu adag waa marka ay tahay inaad dhaleeceyso mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta.”

“Cristiano Ronaldo 100 jeer ayuu iga fiican yahay, balse waa inaan sheego in Manchester United aysan waxba kula guuleysan doonin isaga oo jooga kooxda.” Ayuu yiri Paul Merson.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close