Rodri oo tilmaamay kooxda ay Man City ku tartami doonaan Premier League xilli ciyaareedkan

(Manchester) 22 Sebt 2022. Ciyaaryahanka kooxda Manchester City ee Rodri ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu u maleynayo inay kula tartami karaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Dhowrkii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, Manchester City waxa ay Liverpool kula tartami jirtay hanashada horyaalka Premier League, laakiin bilowgi xumaaday ee Reds ayaa meesha ka saaray dookhyada Rodri.

Sida laga soo xigtay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, kooxda Tottenham Hotspur ayaa si adag ugu tartami doonta horyaalka Premier League, kaddib markii ay si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Kooxda Waqooyiga London waligood kuma guuleysan horyaalka tan iyo markii loo bixiyay Premier League, maadaama markii ugu dambeysay ay ku guuleysato ay ahayd sanadkii 1961-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Rodri wuxuu aaminsan yahay in Spurs ay sanadkan dagaalami karto, maadaama ay heystaan tabaraha reer Talyaani ee Antonio Conte: “Koox ciyaartoy oo cajiib ah.”

“Waxay samaysteen koox weyn, waxayna haystaan tababare fikirkiisa aad u cad yahay, wuuna garanayaa siduu ugu gudbin lahaa si wanaagsan.”

“Way garanayaan waxa ay tahay inay sameeyaan, waxayna u sameeyaan si sax ah, waxaan u arkaa Tottenham inay tahay koox u tartamaysa horyaalka, Conte xirfadiisa ayaa iska hadlaysa.”

Antonio Conte waxa uu horyaalka maxaliga ah kula guulaystay saddex kooxood oo uu hore u soo maamulay oo kala ahaa Juventus,Chelsea iyo Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close