RASMI: Xiddigaha u sharraxan abaal-marinta laacibka bisha September ee horyaalka Premier League oo la shaaciyay

(Egland) 22 Sebt 2022. Waxaa shaaca laga qaaday liiska xiddigaha u sharaxan abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishan sii dhamaaneysa ee September.

Liiska waxaa ku ku soo baxay 6 ciyaartooy oo uu hoggaaminayo laacibka kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne iyo weeraryahanka naadiga Manchester  United ee Marcus Rashford, sidoo kale waxaa ku jira Philip Billing (Bournemouth), Pierre-Emile Höjbjerg (Tottenham), Alex Iwobi (Everton), Jacob Ramsey (Aston Villa).

Philip Billing ayaa bishii Sebtembar laba gool u dhaliyay kooxda Bournemouth, wuxuuna ka dhaliyay kooxaha Newcastle United iyo Nottingham Forest.

Kevin De Bruyne ayaa bishii September caawiyay 3 gool ay dhaliyeen saaxiibadiis kooxda Man City.

Pierre-Emile Höjbjerg ayaa gool u dhaliyay kooxda Tottenham kulankii Fulham, waxana uu sidoo kale caawiye ka ahaa gool kulankii Leicester City.

Alex Iwobi ayaa caawiye ka ahaa goolka guushii Everton ay ka gaartay West Ham United.

Jacob Ramsey ayaa caawiye ka ahaa goolka kulankii ay Aston Villa barbaraha la gashay Manchester City, wuxuuna sidoo kale gool ka dhaliyay Southampton.

Marcus Rashford ayaa ka qeyb qaatay 4 gool ay dhalisay Manchester United bishii September, wuxuu caawiyay goolka kulankii Leicester City, sidoo kale laba gool ayuu dhaliyay halka gool kale uu caawiyay kulankii Arsenal.

Yeelkeeda, codeynta taageerayaasha ayaa xirmi doonta maalinta Isniinta, oo ay taariikhda ku beegantahay 26 Sebtembar.

Marcus Rashford Nominated for Premier League Player of the Month for  September : r/reddevils

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close