Kooxda Chelsea oo iska diidday fursad ay kula saxiixan kartay Aurelien Tchouameni

(London) 21 Sebt 2022. Kooxda Chelsea ayaa la soo warinayaa inay iska diidday fursad ay kula saxiixan kartay xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni 12 biloodka hor inta uusan ku biirin Real Madrid.

Kaddib labo sano oo uu joogay Monaco 22-sano jirkaan ayaa qalinka warqadda dul dhigay ina saxiixay Los Blancos xagaagan heshiis lix sanadood ah, isagoo ugu dhaqaaqay garoonka Santiago Bernabeu Adduun dhan 85 milyan oo gini.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay loollankii ay kala kulmaysay kooxo badan oo Premier League ah si ay gacanta ugu dhigto laacibka Faransiiska ah, inkastoo loo maleynayo in Chelsea aysan ku jirin tartanka saxiixiisa xagaagan inkastoo ay 12 bilood ka hor muujiyeen xiisaha ay u qabaan xiddigan.

Kaddib markii ay ku guuleysteen Champions League dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2020-21 ee uu macallin u ahaa Thomas Tuchel, Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa dooneysay inay xoojiso doorkooda khadka dhexe.

Conor Gallagher iyo Billy Gilmour ayaa labada loo ogolaaday inay amaah ku baxaan, halka bartilmaameedkeedii koowaad ee Declan Rice loo sheegay inuusan iib ahayn Kooxda West Ham United.

Sida ay warinayso football.london, Chelsea ayaa Tchouameni u dooratay bartilmaameedkeeda suuro-galka ah, waxaana ay doonayaan inuu keenaan Kooxda xilligaas.

Si kastaba ha ahaatee, Jariiradda The Telegraph ayaa sheegtay in madaxda sare ee garoonka Stamford Bridge oo ay ku jirtay agaasimihii hore ee isboortiga naadiga Marina Granovskaia ay ka soo hor’jeesteen arrintaas, waxaana la wariyey inay ka caga-jiidayeen inay bixiyaan lacagaha badan ee lagu doonayey xiddigan khadka dhexe ka ciyaara.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close