Eriksen oo ka hadlay xaalada adag ee ay Manchester United ku bilaabatay xilli ciyaareedkan

(Manchester) 21 Sebt 2022. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ee Christian Eriksen, khadka dhexe ee Manchester United, ayaa ka hadlay bilowga adag ee Red Devils xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay laba guuldaro oo horyaalka Premier League ah, kaddibna waxay guul gaartay 4-tii kulan ee xigay.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England  ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Christian Eriksen, wuxuuna yiri:

“Waxaan ciyaaray boosas badan oo kala duwan muddo aad u yar gudaheed, markii hore waxaan ahaa weeraryahan been abuur ah kaddibna dib ugu soo laabtay khadka dhexe ee daafaca.”

“Kulammadii ugu dambeeyay, waxaan ciyaaray booska 8-aad, waa wax aad u wanaagsan in aan guul ku soo laabano meesha ugu sarreysa oo aan guul gaarno, taasoo faa’iido inoo leh, waxayna abuurtay kalsooni yar.”

“Waa wax fiican in lagula barbar dhigo Paul Scholes, laakiin adiga ayaa sameyn kara magacaaga kuu khaas ah.”

“Nasiib ayaan ku lahaa in aan ka hor tago Scholes, waxa uu ahaa ciyaartoy fiican, marka aad ayaan ugu faraxsanahay in la i barbar dhigo isaga.”

30-sano jirkaan ayaa ku biiray Red Devils xagaagii 2022, isagoo kaga yimid Brentford, beeca xorta ah, wuxuuna inta badan ka qeyb qaatay 6-dii kulan ee ugu horeysay horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close