Warbixin laga helay dhaawaca Marcus Rashford… (Miyey Man United heli doontaa xiddigeeda kulanka Manchester derby?)

(Manchester) 20 Sebt 2022. Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Manchester United ee Marcus Rashford ayaa la soo warinayaa inuu ka soo kabsan karo dhaawac muruqa ah ee uu la maqan yahay, isla markaana uu wajaihi karo naadiga ay xafiiltaam ee Manchester City kulankooda xiga ee horyaalka Premier League kaddib ciyaaraha caalamiga ah.

25-sano jirkaan ayaa garoonka dhaawac looga saaray qeybihii dambe ee kulankii ay Man United 3-1 kaga adkaatay Arsenal horraantii bishaan, waxaana xiddiga reer England uu kulankaas dhaliyey labo gool, isagoo mid kale caawiye ka ahaa.

Rashford ayaa tan iyo markaas kooxda Man United ka maqnaa labadii kulan ee ay ciyaartay tartanka Europa League, isagoo sidoo kale aan looga yeerin kulammada xulka Macallin Gareth Southgate ee England kulammada ay la kala ciyaarayaan xulalka Italy iyo Germany ee UEFA Nations League.

Isagoo hadlayay ka hor kulankii ay Man United 2-0 kaga badisay Sheriff Tiraspol khamiistii hore, Macallin Erik ten Hag ayaa soo jeediyay in Rashford uusan garoomamda ka maqnaan doonin muddo dheer.

“Lama heli karo kaddib Arsenal, waxa uu qabaa dhaawac muruqa ah.” ayuu u sheegay Suxufiyiinta.

“Maya uma maleynayo inuu maqnaan doono in aad u dheer, laakiin ma sheegi karo inta ay la’ eg tahay, runtii ma xuma, waxaana filaynaa inuu si dhaqso ah u soo laaban doono.”

Sida ay warinayso Shabakadda ESPN Kooxda Man United ayaa ku rajo weyn in Rashford uu taam u noqon doono kulanka ay Manchester Derby oo ay la ciyaari doonaan Man City 02 bisha October.

Rashford ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka 2022-23, isagoo dhaliyay saddex gool, isla markaana labo gool kale oo caawiye ka ahaa lixdii kulan ee furitaanka horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close